Xildhibaanada Golaha Shacabka oo dood ka keenay weerarkii al-Shabaab ee KJS

Published: July 26, 2023

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulankoodi uga hadlaayey xakameynta hubka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay weerarkii askarta badan lagu laayay ee maalin kahor ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho.

Weerarkan oo al-Shabaab sheegteen waxaa ku nafwaayey ciidamo aad u tiro badan kuwaas oo la sheegay in ay ahaayeen ciidamadii lagu soo tabaaray Ereteeriya.

Qaar kamid ah Xildhbaanada ayaa sheegay in ay jiraan gacmo kale oo ka baxsan al-Shabaab oo hawshaan wax ka fududeeyey.

Maxamed Cabdi Maareeye ayaa sheegay in su’aalo badan ay ka dhasheen weerarkii is-miidaaminta ee Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad.

Maareeye ayaa yiri: “Dhacdadaa dorraad ka dhacday Kulliyadda Jaalle Siyaad oo kamid ah goobaha ugu amniga adag, su’aallo badan ayaa ku wareegsan ficilkaas Argagixisada ah ay dhalinyaradu ku dhammaadeen”.

Xildhibaanada ayaa is weydiyey sababta ciidankaas oo tababar horey u soo qaatey dagaalna kula jirey al-Shabaab halkaas loo keenay, ma ahan ciidamo hadda la qoraayo kan ugu yar ayaa saddex sano oo tababar ah soo qaatey.

Warbaahinta taageerta DOwaldda iyo kuwa baraha bulshada ayaan ka hadlin weerarkaas oo ay ku nafwaayeen askar ka badan 20 askeri.

Xildhibaan Maareeye oo layaaban sida warbaahinta dowladda taageerta ay uga aamustey arintaas ayaa yiri: “Waxyaalaha aanu la yaabay waxaa kaloo kamid ah markii uu qaraxu dhacay warbaahintii qaraxa ka sheekeyn jirtay kama hadlin, waa wax la yaableh sida loo gaaray dhammaan wixii Social Media-ahaa oo ay ka gaabiyaan dhacdadaas weyn” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu soo jeediyay in baarlamaanka uu qaado tallaabo deg-deg ah, isla-markaana uu magacaabo guddi daba-gala baarista weerarkaasi.

Dhankiisa Xidlhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa codkiisa ku biiray in loo baahan yahay in dib loogu laabto nidaamka shaqaalaha, si loo hubiyo dhammaan dadka u shaqeeya dowladda.

“Waa in la helo nidaam lagu xaqiijin karo dadka dowladda u shaqeeya cidda la aamini karo iyo cidda aan la aamini karin, macquul maaha in saraakiishii iyo dadkii mas’uuliyiinta ahaa aad iska ilaalisid oo lafahaaga ku aamini weysid” ayuu isna yiri Mudane Cabdirashiid Xidig.

Horseed Media