Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland Oo Si Weyn U Diidan Xeerka Doorashooyinka

Published: November 26, 2023

Fadhigii Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ee maanta oo Axad ah ayaa ka duwanaa kuwii hore, kadib markii fadhigii maalintii Khamiista uu buuq hareeyey.

Xildhibaanada ayaa yeeshey dood adag waxaana fadhiga soo xaadirey 48 Xildhibaan.

Xildhibaano gaaraya 42 xildhibaan ayaa is qorey kuwaas oo dood ka dhiibtey Xeerka muranku ka taagan yahay taas oo ku aadan soo jeedintii guddiga loo xilsaarey Xeerka Doorashooyinka taas oo ahayd in gebi ahaanba xeerkan la hakiyo.

30 Xildhibaan ayaa isku raacey in xeerkan khatar ku noqon karo amniga dalka, kadib markii Xukuumaddu soo gelisey caasimadda ciidamo aad u fara badan, taasna keentey in ciidamo kale oo isla kuwa dowladda ah ay ka soo baxaan xeryahoodi, arrimahaasi waxay keeneen barakac dadweyne, iskooladii oo xirma iyo kacdoon dadweynwe.

Ilaa 12 Xildhibaan oo kale ayaa taageersan soo jeedinta xukuumadda iyo in sharciga la meel mariyo oo guddigu dib ugu noqdo ama guddi kale la saaro, kuwaas oo qaarkood ay jeediyeen hadalo xanaf leh sida waa in dad u dhintaan DIMOQRAADIYADDA.

Afhayeenka Baarlamaanka Cabdirashiid Yusuf Jibriil ayaa soo jeediyey in dooda iyo wada hadalku sii socon doono kalfadhiguna xiran yahay, dibna laga soo sheegi doono maalinta la kulmaayo.

Waxaa muuqata in Xeerkan oo la doonaayey in uu maro saddex akhris uu ku dhacay akhriskii kowaad kadib markii guddigii loo xilsaarey su’aal adag ka keeneen, isla markaana soo jeediyeen in gebigiisaba la hakiyo.

Xildhibaanada Golaha wakiilada oo horey aan looga baran in ay dood geliyaan waxkasta oo uga yimaada Xukumadda ayaa hadda la soo baxay gedo iyo camal ka duwan sidii hore, haddii aan wax kale beddelin.

Horseed Media