Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland oo ansixiyey xubno katirsan Golaha Wasiirada

Published: December 8, 2022
Shares10

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey 6 xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiiradda Puntland kuwaa oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Fadhiga Golaha oo ay soo xaadireen 47 Xildhibaan waxaa Oggol ugu codeeyay 45, diidmo 2 , aamus ma jirin.

Xubnaha Golaha Wasiiradda ayaa kala ah;

1. Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.

2. Maxamed Siciid Maxamed (Faroole), Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga

3. Maxamed Cabdiwahaab Axmed, Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

4. Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Aduun), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

5. Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Wasiiru- Dawlaha Madaxtooyada Puntland.

6. Maxamed Cabdirisaaq Dayib, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha 

Ugu dambeyn Wasiirada waxaa dhaariyey Garsoore Siciid Axmed Faarax oo ka tirsan Maxkamadda sare.

Horseed Media