Xildhibaanada: “Laascaanood waa nabad waxaana ka shaqeynaya maamulka SSC-Khaatumo”

Published: September 15, 2023

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaaliga ah iyo wasiiro oo booqasho ku tagay magaalada Laascaanood, ayaa xaqiijiyay in magaaladu tahay mid nabad ah oo xasilooni ka jirto. wefdiga ayaa ugu baaqey hay’adaha caalamiga ah in ay ka hawlgalaan oo ay la shaqeeyaan mamaulka SSC-Khaatumo.

War saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen intii ay joogeen magaalada Laascaanood in aanay ku arag wax amniga khalkhal ku ah, ama arrimo argigixisinimo, iyagoo sheegay maamulka SSC- Khaatumo inuu si buuxda ugu guulaystay nabada iyo xasilinta bulshada.

Xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya waxay ugu baaqeen Somaliland in ay nabadda qaadato oo ka waantowdo colaadda ay weli ka shaqeyneyso iyo abaabulka ciidan, si looga fogaado colaad dambe oo uu dhiig ku daato.

Dowaldda federaalka ah oo ay ka tirsan yihiin ayey ugu baaqeen in ay doorkooda qaataan si loo hagaajiyo nolosha dadka.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in magaalada Laascaanood ay soo galeen illaa 600 askari Shabaab ah oo uu horkacayo sarkaal lagu magacaabo Fu’aad Shangole, taas oo aan la ogeyn cidda ay ka gadayaan maadaama caalamku og yahay waxa ka dhacay Laascaanood.

Horseed Media