Xildhibaano lagu doortay magaalada Baladweyne

Published: February 27, 2022

Magaalada Baladweyne ee xarunta ganacsiga maamulka Hirshabeelle maanta oo axad ah waxaa lagu qabtay doorashada lix kursi oo ka mid ah 25-ka kursi ee deegaan doorashadooda ay tahay magaaladaas, kuwaas oo jadwalkooda ay dhawaan shaaciyeen Guddiga hirgelinta doorashooyinka Hirshabeelle.

Maxamed ibraahim Macalumuu oo ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hop#068, ayaa helay codad gaaraya 92-cod, ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay ee Maxamed Cabdicasiis Xasan.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ku guuleytay kursiga tirsigiisu uu yahay Hop#023, ayaa helay Codad gaaraya 81 Cod halka Musharaxii la tartamayay ee Axmed Cumar Gureey u helay 10 Cod,, waxaana halaabay7 cod.

Sidoo kale, kursiga saddexaad waxaa ku guuleystay, Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi Daalo oo u tartamayay kursiga tirsigiisu uu yahay Hop#022, wuxuuna ku soo baxay codod gaaraya 89-cod, halka ay tanaasushay musharaxii la tartameysay ee Faadumo Maxamed Cabdulle.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan (Beene Beene) ayaa cod gacan tag ah ugu guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#003, ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay ee Aadan  Qaasim Maxamuud.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Axmed ayaa cod gacan taag ah ugu guuleystay kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#006, wuxuu helay 91-cod, ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay Cabdinaasir Cumar Cabdulle.

Cabdikariin Cabdow Xeydar ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#252, wuxuuna helay 84-cod.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *