Xilliga doorashada guddoomiyaasha degmooyinka Puntland oo lagu dhawaaqey

Published: August 23, 2023

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, ayaa ku dhawaaqdey in la bilaabayo fariisinta goleyaasha deegaanka ee la soo doortay laga bilaabo 29/08/2023 oo ah maalinta daahfurka fariisinta goleyaasha deegaanka taas oo soconeysa ilaa September,2023, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa lagu faray in dhammaan xubnaha goleyaasha deegaanka ee la soo doortay ay u diyaar garoobaan fariisiinta, dhaarinta iyo doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Goleyaash Deegaanka.

Sidoo kale waxaa laga codsadey in xisbiyada siyaasadu soo gudbiyaan liisaska kama danbeysta ah ee xubnaha ugu sharraxan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Goleyaasha Deegaanka, sida ugu dhakhsaha badan.

Doorashada guddoomiyaasha degmooyinka ayaa lagu bilaabayaa ilaa 9 degmo ee qaar kamid ah xisbiyadu ay heleen aqlabiyadda kuraasta golaha deegaanka, taas oo aan xisbi kale kula tartami karin, waxaana kamid ah Baran, Dhudhub, Caluula iyo kuwo kale.

Waxaa isbeddel lagu sameeyey xeerka goloyaasha deegaanka oo markii hore dhigaayey in doorashadu noqoto qarsoodi taas oo ah mid aan dimoqraadi ahayn maadaama Xildhibaanadan la soo doortey waxaa muhim ah in dadkuogaadaan sida ay u codeynayaan iyo in aysan ku codeyn si musuq ah oo ka baxsan danihii loo soo doortey.

Waxaa jira magaalooyin haddii aan Xisbiyada Kaah iyo Mideeye wada dhisin ay adkaaneyso in loo dhiso gole deegaan, maadama ay qabysadeen tirada ugu badan labadaas xisbi, si kasta oo kuwa kale ugu kala biiraan aysan helayn aqlabiyad, mana cadda in ay wada shaqeyn doonaan.

Horseed Media