Xisbullah oo duqeysay Saldhig Israel ku leedahay Buuraleyda Golan

Published: July 8, 2024

Ururka Xisbullah ayaa Axaddii shalay diyaaradaha Drone-ka ku duqeeyey saldhiga sirdoonka Israel ku leeyihiin buurta Hermon oo ka tirsan dhulka buuraleyda ah ee Israel ka qabsatay Siiriya ee Golan Heights.

Xisbullah ayaa sheegtay inay tahay markii ugu horeysay oo ay duqeyn noocaan ah la beegsadaan saldhigyada Israel ku leedahay buuraleyda Golan Heights.

Israa’iil ayaa buuraleyda Golan ku leh saldhiygo militari, sirdoon iyo difaaca hawada gaar ahaan Buurta Hermon halkaas oo ay kala socdaan dhaq dhaqaaqa caasimadda Suuriya tan iyo dagaalkii 1973 ee u dhaxeeyey dalalka Carabta iyo Israa’iil.

Kooxda Xisbullah ayaa axaddii sidoo kale gantaalo ku duqeysay Waqooyiga dhulka Israel heysato ee ku dhaw xaduuda dalka Lubnaan.

Duqeynta Xisbullah ayaa lagu soo beegay maalin kadib markii Israel ay duqeyn ku dishay mid kamid ah saraakiisha Xisbullah oo ku sugnaa nawaaxiga magaalada Baalbek ee bartamaha dalka Lubnaan.

Horseed Media