Xisbullah oo sheegtay inay aqbali doonto heshiis walba oo dhexmara Xamaas iyo Israa’iil

Published: July 11, 2024

Hogaamiyaha Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay inay dhaqan-gelin doonaan heshiis walba oo ay gaaraan Xamaas iyo Israa’iil, isagoo sheegay in Xamaas ay ku metasho wadahadalada.

Madaxa Hezbollah Sayyed Hassan Nasrallah ayaa sheegay in Xamaas ay wadahadalo xabad joojin ah oo Gaza la yeelanayso Israa’iil iyadoo ka wakiil ah dhammaan “ururada wax iska caabinta ee Xisbullah iyo Xuutiyiinta”, haddii heshiis la gaarona, Xisbullah waxay joojin doontaa howlaheeda iyada oo aan loo baahnayn wadahadallo gaar ah.

Hadalka hogaamiyaha Xisbullah ayaa kusoo beegmay xili ay soo baxayaan in dib ay u bilowdeen waan waanta laga dhex wado Xamaas iyo Israa’iil ee ka socda magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Xamaas ayaa todobaadkan ku eedaysay Raysalwasaaraha Israa’iil Netanyahu inuu mar walba caqabad hordhigo wadahadalka, isla markaana keeno sharuudo cusub iyo weeraro uu ku qaado shacabka Gaza.

Xoogaga Xisbullah ee Lubnaan iyo Xuutiyiinta Yemen oo duqeyn la beegsanayey Israa’iil iyo maraakiibta u socda dhulka la heysto ayaa horey u sheegay inay joojin doonaan weeraradooda markii Israa’iil joojiso xasuuqa shacabka Qasa.

Horseed Media