Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka oo la kulmay Madaxweynaha Falastiin

Published: March 28, 2022

XoghayahaArrimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken oo booqasho ku jooga Barriga Dhexe ayaa Axadii kulan la qaatay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

Kulankan oo ah kii ugu horeeyey oo labada nin dhexmara ayaa kusoo beegmaya xili Falastiiniyiinta ay si weyn u dhaliilayaan taageerada indho-lá-aanta ah ee Maraykanka u hayo Israel.

Madaxweynaha Falastiin ayaa sheegay in falalka Israel ay dhulkooda ka wado u dhiganto xasuuq iyo gumaad isir-sooc ah, ayaa ku eedeeyey Maraykanka inaysan waxna ka qaban maadaama Maraykanka uu yahay quwada ugu weyn oo ay ku tiirsan tahay Israel.

Maraykanka ayaa sidoo kale weli furin Qunsuliyadii uu ku lahaa Barriga magaalada Qudus ee uu adeegi jirtay dadka ku hoos nool ismaamulka Falastiin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *