Xoghayaha Dibada ee Maraykanka oo safar ku tagay Sacuudiga xili xiriirka labada dal uu sii xumaanayo

Published: June 7, 2023

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa wadahadalo la yeeshay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amiir Maxamed Bin Salmaan, safarkan dublamaasiyadeed oo looga gol leeyahay in lagu sii hagaajiyo xiriirka ka dhexeeya Washington iyo Boqortooyada Sacuudiga oo xiriirkooda sii xumaanayey sanadihii lasoo dhaafay.

Labada dal ayaa isku khilaafsan siyaasadda arrimaha xuquuqda aadanaha, xiriirka Iran, amniga gobolka iyo waliba qiimaha shidaalka.

Blinken wuxuu la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman Talaadadii shalay, waxayna ka wadahadleen; “inay horumariyaan xasiloonida iyo amniga Bariga Dhexe”, ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Matthew Miller.

Waa wafdigii labaad oo heer sare ah oo ay dowlada Maraykanka u dirto Sacuudiga, Blinken ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda kale Sacuudiga inta lagu guda jiro booqashadiisa saddexda maalmood ah. 7dii bishoo hore ee May ayuu sidan oo kale La taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan ku tagay dalka Sacuudiga.

Booqashada Blinken ayaa ku soo beegantay maalmo uun ka dib markii Sacuudi Carabiya ay ballan qaaday inay hoos u dhigayaan batroolka ay soo saaraan, tallaabadaas oo laga yaabo inay xiisad ku soo kordhiso xiriirka ka dhexeeya Washington iyo Riyadh.

Horseed Media