Xoghayaha ururka SJS, Cabdalla Axmed Muumin oo lagu xukumay laba bilood oo xabsi ah

Published: February 13, 2023

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwaddii loo heystay Xoghayaha guud ee ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee SJS Cabdalla Axmed Muumin.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud oo ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in Cabdalla Axmed Muumin lagu xukumay laba bilood oo xabsi ah.

Gudoomiye Saalax ayaa sheegay in go’aankan loo cuksaday hal qodob oo kamid ah saddex eed oo markii hore loo soo jeediyay Cabdalla iyadda oo labada kale lagu waayey.

Maxkamadeynta Cabdalla Axmed Muumin ayaa soo martay illaa 4 wareeg oo kala duwan iyadoo ugu dambeynna maalnta la soo gagabeeyey.

Horseed Media