Xubno ka tirsan Guddiga lagu murransan yahay ee Doorashada oo ay xukuumada Federaalka magacowday ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/01/Guddiga-Doorashada-Baydhabo-050121-1080x720.jpg)
Guddiga Doorashada ayaa jadwalkii ugu danbeeyey oo ay shaaciyeen ku sheegeen in maanta oo ah 5ta Janaayo ay ku egtahay xiliga qabashada codsiyada iyo diiwaangelinta murashaxiinta u tartamaya Aqalka Sare, xili aysan weli muuqan wax qaban qaabo doorsho ah oo socota.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/01/JAdwalka-Doorashada-29dec-5Jan21-557x720.jpg)
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo ku sugan Muqdisho ayaa kulan habeen-hore la yeeshay Madaxweynaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo uga wadahadleen arrimaha doorashada sidii loo dardar gelin lahaa.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/01/Farmaajo-Laftagareen-030121.jpg)
Villa Soomaaliya ayaa dadaal weyn uggu jirta in maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug bilaaban doorashada Aqalka Sare si meesha looga saaro cabashada murashaxiinta Madaxweynaha iyo maamulada Puntland & Jubaland.
Maxamed Cismaan
Horseed Media