Maxkamad ku taala Turkiga oo xukun ku ridey Wiilka Madaxweyne Xasan Sheekh

Published: January 16, 2024

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa maanta oo Salaadsa ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan $900 oo dollar, kaddib markii lagu eedeeyay inuu shil baabuur uu galay uu ku dhintay muwaadin Turki ah sannadkii hore, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha dalkaas.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 30-kii bishii November ee sanadkii 2023-ka gaari ku watay magaalada Istanbul, waxaana uu ku dhuftay nin Mooto watey oo lagu magacaabo Yunus Emre Gocer. Gocer, oo ahaa aabbe dhalay laba carruur ah, ayaa ku dhintay cusbitaalka lix maalmood ka dib shilkaas.

Dacwad oogayaasha Turkiga ayaa markii hore doonayay Maxamed in lagu xukumo lix sano oo xarig ah, balse maxkamadda Istanbul ayaa Talaadadii ku xukuntay labo sano iyo lix bilood oo xarig ah. Si kastaba ha ahaatee, qaadiga maxkamadda ayaa ku dhawaaqey in shilkaasi uu ku dhacay si aan ku talo gal ahayn, waxay maxkamaddu u beddeshay xukunkii ganaax lacageed oo dhan 27,300 lira oo u dhiganta $900.

Maxamed ayaa ka dhoofay dalka Turkiga shilkaas ka dib taas oo dhalisey caro aad u weyn gudaha Turkiga waxaana ay ku eedeeyeen dowladda inay u ogolaatay inuu baxsado maadaama xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Maxamed ayaa maalmo ka hor ku laabtay dalka Turkiga si uu ugu markhaati furo maxkamadda.

Xukunka ayaa yimid xilli Maxamed uu ka maqnaa maxkamadda. Waxa kale oo lagala noqday ruqsadiisii wadista dalka Turkiga muddo lix bilood ah.

Turkiga ayaa xiriir dhow lawadaaga Soomaaliya 10-kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo Turkiga uu yahay dalka ugu weyn ee xiriirka dhaqaale la leh Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka. Labada dal ayaa sidoo kale ka dhexeeya xiriir dhanka Militeriga ah.

Horseed Media