Xukuumada Galmudug oo kulan gaar ah ka yeelatay la dagaalanka Shabaab iyo Miisaaniyada

7 October, 2023

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo ahaa…

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo ahaa kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayey xaalada hawlgalada ka dhanka kooxda shabaab iyo Miisaaniyada.

Wasiirka Amniga Maxamed Gaboobe ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyey dagaalka ka dhanka ah argagaxisada ee ka socda deegaannada Galmudug.

Sidoo kale, kulanka waxaa warbixin ku saabsan miisaaniyad sannadeedka 2024-ka looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug Senator Farxaan.

Golaha wasiirrada warbixinadii lasiiyey kadib dood dheer ka yeeshay odoroska miisaaniyadeed ee sanadka soo socda, waxaana cod gacan taag ah lagu ansixiyay miisaaniyadda 2024-ka ee Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isagoo ka duulaya dardargalinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab wuxuu magaacaabay guddiyo ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Guddiyadaas ayaa ka howlgali doona aagagga dagaalka, sidoo kale madaxweynaha ayaa Golaha uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda Galmudug ee 2024-ka.

Shirkan waa kii ugu horeeyey oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada Galmudug, kadib muddo laba bilood ah oo ay hakad ku jireen kulamada caadiga ah ee golaha wasiirrada maamulkaas, xaaladda dagaal awgeed.

Kulankan ayaa dhanka kale kusoo beegmay xili uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo laba bilood deganaa Dhuusamareeb uu dib ugu noqday Muqdisho.