Xukuumadda Puntland ma mudantahay muddo kordhin? (Faallo Qaybtii Labaad- 2).

19 February, 2012

Hordhac. Qaybtii koowaad ee faaladan waxaanu kaga soo hadlany Doorashadii Madaxweynaha talada haya, Dhismaha Xukuumadiisa &…

Hordhac.

Qaybtii koowaad ee faaladan waxaanu kaga soo hadlany Doorashadii Madaxweynaha talada haya, Dhismaha Xukuumadiisa & Waxa u qabsoomay mudadii 3 sano ahayd ee ay Xafiiska joogtay Qaybtan oo ah Qaybta labaad waxaanu ku eegi doonaa Caqabadaha soo wajahay Xukuumada iyo waxyaabaha ay ka gaabiyeen inay wax ka qabtaan mudadaas, Qaybta sadexaad oo dib laga soo daabici doono ahna qaybta u danbaysa faaladan uguna muhiimsan waxaanu kaga hadli doonaa Dastuurka cusub, Dhaqan gelistiisa, Muranka ka taagan Mudada Hay`adaha Dowliga ahi ay Joogayaan Xafiiska & baahiyaha ugu waaweyn ee laga sugayo inay Xukuumadu wax ka qabato intaysan banayn Xafiiska dhanka kale waxaanu Jawaab ugu dooni doonaa Su`aasha faaladdan, Anagoo fariimo ugu gubin doona Xukuumada, Qaybaha Bulshada & Siyaasiyiinta ka rajo qaba inay u tartamaan hogaanka Dalka.

Qaybta Labaad.

Caqabadihii soo wajahay Xukuumada .

Waxaa laga joogaa mudo 3 sano ka badan wakhtigii ay talada Dalka qabatay Xukuumad ay hormuud ka yihiin Dr. Cabadiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud Faroole & Gen. Cabdisamed Cali Shire mudadaas Xukuumadu waxay ku talaabsatay waxqabad balaaran sidii aanu kaga soo hadlnay Qaybtii kowaad ee faaladan waxaase soo wajahay caqabado dhowr ah oo u saamixi waayey Xukuumadu inay wax badan oo laga sugayey ku talaabsato waxaana ugu waaweynaa caqabadahaas oo aanu faaladan kaga xusi karnaa:

  • Khilaafka DFKS & Xukuumada Puntland.
  • Falal Argagixiso.
  • Dagaalkii Galgala.
  • Colaada Beelaha.
  • Asaaskii Jabhada SSC & Dhismaha Maamulaka Khaatumo.
  • Ku dhawaaqidii Maamulka Casayrland .

Khilaaf soo kala dhexgalay DFKS & Xukuumada Puntland.

Waxaa isku soo aaday Dhismaha Xukuumad cusub ee Puntland & Shirkii Jabuuti oo ay heshiiska ku wada gaareen DFKS & Isbaahaysigii dib u xoraynta Soomaaliya qodobada heshiiskaas waxaa ka mid ahaa Awood qaybsi iyo in 275 Xildhibaan oo cusub lagu kordhiyo Baarlamaanka DFKS laguna soo xulo Nidaamka 4.5.

Xukuumada Puntland waxay ku dooday in saamiga Beelaha Puntland ay ka helaan Xildhibaanada cusub ay iyadu soo xusho loogana danbayo hase ahaate waxaa talaabadaas ka horyimi Isbaahaysigi dib u xoraynta, Sida uu dhigayey heshiiskii la gaaray waxaa dhamaan Xildhibaanada cusub laga rabay inay soo xushaan Kooxihii mucaaradka ee la galay heshiiska DFKS taasina waxay horseeday in Puntland qaadacdo ka qayab galka shirkaaas.

Kadib markii loo doortaya Madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shiriif Sh. Axmed wuxuu u magcaabay Raiisal Wasaaraha DFKS Dr. Cumar Cabdirashiid Cali oo asal ahaan ka soo jeeda Deegaanada Puntland magaabidaas oo Xukuumada Puntland soo dhowaysay Soomaalida inteeda badanina u arkaysay inay so hagaajin doonto xiriirka wiiqmay ee labada dhinac, Dhismihii Xukuumadii Dr. Cumar waxaa ka dhex muuqday xubno badan oo ka soo galay isbaahaysigii dib u xoraynta kuwaas oo markiiba bilaabay inay iska dhowraan adeegsiga magaca Xukuumada Federaalka kuna bedeshay Erayga Xukuumada Midnimo Qaran Arrintaas oo Puntland si weyn uga caraysiisay una fahansiisay Kooxahaasi inay ka soo horjeedaa Nidaamka Federaalka wixii ka danbeeyey markaas xiriirka DFKS & Puntland wuxuu noqday mid sii xumaanayey.

Bishii August, 2009 waxaa soo gaaray Magaaladda Gaalkacayo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid ayna ka mid ahaayeen dhamaan Wasiirada DFKS ee ka soo jeeda Deeganada Puntland safarkaas oo qaatay mudo maalmo ah waxaa lagu kala saxiixday 23 Augusto, 2009 heshiis ka koobnaa 15 qodob mase noqon heshiiskaasi & mid ka danbeeyey oo lagu gaaray wadanka Kenya 12 Aprile, 2010 kuwo dhaqan gala waxaana caqabad ku noqday Madax sar sare oo ka tirsanaa Xukuumadii Midnimo Qaran arintaas oo sii shiday khilaafkii sababtayna in si toosa laysaga weeraro saxaaafadda.

Markii la bedelay Xukuumadii Sharmaake uuna soo dhisay Gole cusub Maxamed Cabdulaahi Farmaajo khilaafku wuxuu gaaray meeshi ugu saraysay Puntland waxay ku eedaysay Dowlada Federaalka inay caqabad ku tahay Horumarkeeda, 16 Jan, 2011 Shir deg deg ah oo ay qaateen Golaha Wasiiradda Puntland uuna shir gudoominayey Madaxweyne Faroole waxaa gebi ahaanba xiriirka loogu jaray DFKS Xukuumada Puntland waxay ku dhawaaqday inay ka qaadatay mawqif cusub.

16 Jan, 2011 waxaa bilaabmay dagaal siyaasadeed oo aan waxba laysula harin ilaa ay meesha ka baxaday Xukuumada Farmaajo uuna soo dhisay Gole cusub Raysalwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas wixii ka danbeeyey Dhismaha Xukuumada cusub Xiriirka u dhexeeya Puntland & DFKS wuxuu noqday mid soo hagaaga lagana dheehan karay wada shaqayn ilaa u booqasho ku tegay 28/08/2011 markii ugu horaysay Magaalo madaxda Puntland ee Garoowe Madaxweyne Sh. Shiriif Sh. Axmed booqashadaas oo muujinaysay wadashaqaynta labada dhican.

Falal Argagixiso.

Waxaa ka bilaabmay Magaalooyinka waaweyn ee Puntland falal aan horay looga baran kuwaas oo isugu jira Dilal qorshaysan, Weeraro abaabulan & Qaraxyo aan loo meeldeyin waxaana inta badan lala beegsanayey Saraakiisha laamaha Dowladda & Dadka waxgardka ee reer Puntland sida Odayaasha dhaqanka, Culimadda & Ganacsatada falalkani waxay noqdeen kuwo khalkhal geliya Xasiloonida & Amaanka Guud.

Waxaa loo aanaynayey inay ka danbeeyaan Kooxa Mayalka adag ee ka Dagaalama Koonfurta Soomaaliya, Falalkani waxay dhabar jab ku noqdeen Xasiloonidii Dalka & Horumar badan oo Xukuumadu ka samayn lahaa dhinacyada Horumarinta & Nabadgelyada.

Dagaalkii Galgala.

Degmadda Galgala & Buuraha ku teedsan waxaa saldhig Ciidan ka samaystay Koox mayal adag oo uu madax ka ahaa Sh. Maxamed Siciid Attam sida la rumaysan yahayna xiriir dhow laleh Xarakada Alshabaab, Dowlada ayaa ku eedaysay kooxdan inay qayb ka tahay falalka Argagixo ee laga fulinayey Magaalooyinka Puntland ayna yihiin dhagax ay soo tuurtay Alshabaab.

Inkasta oo Kooxatani ka jirtay Deegaanka Galgala xiligii Xukuumadii Gen: Maxamud Muuse hadana ma ahayn kuwo awood badan, xiligii ay Xukuumada cusubi xilka la wareegtay waxay isku dayday in ay la gasho wadahadal si loogu qanciyo inay iska dhigaan Hubka taa bedelkeedana loo fidiyo cafis.

Bishii Nov, 2009 Dowladdu waxay ku casuntay Magaaladda Garoowe Odayaasha Deegaanka Galgala si ay ugu kala dabqaadaan labada dhinac ugana saaraan maleeshiyaadkaas buurta, Wadahadal socday mudo 1 todobaad ah wuxuu ku soo dhamaaday is afgarad & in Odayaashu ka shaqeeyaan sidii ay Kooxdaas hubka u dhigi lahaayeen hase ahaatee ma fulin qodobadii heshiiskaasi mana noqon mid lagu guulaysatay wuxuuna sababay inay labada dhinac bilaabaan diyaar garow Dagaal.

Sida muuqata Xukuumadu kama raali ahayn joogitaanka kooxdan oo saldhigeedu ahaa meel aan sidaa uga fogayn xarunta dhaqaalaha Puntland (boosaaso) & Wadada halbawlaha u ah isu socodka Gaadiidka (Laamiga) waxayna bilowday abaabul dagaal oo xoogleh iyadoo Ciidamo fara badan ku soo daabushay Gobolka Bari dhanka kale Kooxda Sh. Atam bishii Jun ilaa July, 2010 waxay waday dhankeed abaabul waxaana ku soo biiray sida la rumaysan yahay Dagaalyahano aad u tiro badan & Saanad Ciidan oo xoog leh.

26 July, 2010 Kooxdu waxay weerar gaadmo ah ku soo qaaday kuna qabsadeen Xarun ay si ku meel gaar ah u deganaayeen Ciidamada Daraawiishta oo u jirta Tuulada Laag qiyaastii 5 Km isla maalintaas Dagaal rogaal celin ah oo ay qaadeen Ciidamada Dowladu waxay ku Guulaysteen inay dib ugu celiyaan fariisinkoodi hore ayna u geystaan khasaare balaaran iyagoo ka soo qabtay mid ka mid ay Saraakiishii ugu sarsaraysay kooxdaas.

Wixii ka danbeeyey 26 Jun, 2011 waxaa bilaabmay olole labada dhinac isugu diyaarinayeen Dagaal kama danbays ah Xukuumaduna waxay ku dhawaaqday Dagaal iyadoo qirtay in Tuulada Galgala ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Alshabaab Madaxweyne Faroole wuxuu ku hanjabay inuusan faraha laaban doonin Kooxdaas aysana Puntland wada joogi doonin, Waxaana loo so diray Gobolka Bari Gudi heer sare oo uu Hogaaminayey Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Gen: Cabdisamed Cali Shire ayna xubno ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen: Cabdulaahi Axmed Jaamac Wasiirka Maaliyada Dr. Faarax Cali Jaamac & Wasiirka Amniga Gen: Yuusuf Axmed Khayr si ay isugu duba ridaan Hawlgalka Dowladda.

8 August, 2010 waxaa bilaabmay Dagaal rasmi ah oo in badan la wada sugayey Ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan Laamaha Amaanka Puntland ayaa weerar balaaran ku ekeeyey fariisimihii kooxda Sh. Maxamed Siciid Attam waxaana u suurta gashay Dagaal qaraar kadib inay la wareegaan 2 Saldhig oo kooxdaas ku lahaayeen inta u dhexeysa Tuulada Laag & Degmada Galgala kuwaas oo lagu kala magcaabi jiray Sugure & Bali Khadar, 9 August, 2010 waxaa si rasmi ah gacanta Dowlada dib ugu soo noqotay Degmada Galgala oo mudo 5 sano ah ka maqnayd Ciidamada Dowladuna waxay u muuqdeen kuwo gaaraya Guulo deg deg ah.

Hase ahaatee Buuraha Calmadow oo ah kuwo ay adagtahay sida Guul deg deg ah looga gaaro & Kooxda oo bilowday xeelado cusub Dowlada waxay ku guuldarasatay inay si deg deg ah Dagaalka u so afjarto wuxuuna noqday mid daba dheeraada oo qaata mudo 5 bilood ah geystana khasaaro lixaad leh oo isugu jira naf & Maal .

Bishii November, 2010 Xukuumadu waxay qaaday gulufkeedi ugu danbeeyey waxayna la wareegtay dhamaan Gaadiidkii & inta badan Hubkii kooxdaas iyadoo qabsatay Saldhigyadii kooxdaas oo kala ahaa Madarshoon & Dacarhaye waxayna isla bishaas si rasmi ah ugu dhawaaqday inay soo afjartay Dagaalka iyadoo sheegtay libin Dagaal inkasta oo kooxdan si weyn loo wiiqay lagana qabsaday dhamaan fariisimihii muhim ka haa sida Degmada Galgala, Madarshoon & Dacarhaye hadana waxaan la dafiri karin in qaar ka mid ah Kooxdaasi ay weli ku jiraan Deegaanadaas.

Dagaalka Galgala wuxuu noqday Caqabadii ugu weynady ee soo food saarta Xukuumada Dr. faroole waxaana hawlgalkaas kaga baxay Wakhti, Naf & Dhaqaale aan la soo koobi karin.

Colaada Beelaha.

Beelaha wada dega Deegaanada Puntland qaar ka mid ah waxaa dhexmaray Dagaal inta badan salka ku hayey Aanooyin, Deegaan, Dhul daaqsimeed & Biyo Cabaal taas oo caqabad ku noqtay hawlihii Maamulka waxaana Colaadahaas ugu waaweynaa Cagaarane & Igadhay oo qabaa`il Walaalo ah uu ku dhexmaray Dagaal so noqnoqday mudooyinkii u danbeeyey Deegaanadaas.

Xukuumadu waxay ku dadaashay sidii ay wax badan uga qaban lahayd Colaadahaas iyadoo ku bixisay Dhaqaale aad u tiro badan una diraysay Saraakiil ka tirsan Golaha Xukuumada si ay ugu kala dabqaadaan uguna qanciyaan beelaha inay wada gaaraan heshiis rasmi ah .

Asaaskii Jabhada SSC & Dhismaha Maamulaka Khaatumo.

Asaaskii Jabhada SSC.

16/10/2010 Waxaa lagaga dhawaaqaday wadanka Kenya Jabhada SSC (Sool, Sanaag & Cayn) taas oo ay hormuud ka ahaayeen Siyaasiyiin lagaga adkaaday Hogaanka Puntland doorashadii 9 Jan, 2009 waxaana lagu sheegay Ujeedka Jabhada soo celinta & dib u xoraynta Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood hase ahaatee Jabhadani waxay caqabad ku noqotay qorshayaal ay ku doonaysay Xukuumada Puntland inay dib ugu soo celiso gacanteeda Degmada Laascaanood oo ka mid ahayd balanqaadkii ugu waaweynaa ee loogu doortay Xafiiska .

Markiiba waxaa bilowday Khilaaf soo kala dhexgalay Xukuumada Puntland & Hogaankii Jabhada SSC ilaa uu gaaray in laga mamnuuco xubnaha kooxdan inay ka soo degaan ayna adeegsadaan Garoomada Diyaaradaha Deegaanada Puntland .

Kooxatani waxay jaahwareer Siyaasadeed ku abuurtay Dadweynaha reer Sool iyadoo u saamaxday Maamulka Soomaaliland inuu sii helo fursad uu ku sii haysto Degmada Laascaanood, inta badana Bulshadu waxay u arkaysay Koox leh damac siyaasadeed oo qarsoon.

Dhismaha Maamulaka Khaatumo.

Markii ay wiiqantay Awoodii, Rajadii, Kalsoonidii & Damacii Siyaasadeed ee Jabhadii ee SSC uuna hareeyey khilaaf balaarni waxaa bilaabmay olole kale oo Siyaasadeed kaas oo ay hormuud ka ahaayeen Siyaasiyiin ka soo jeeda SSC iyagoo ka faa`idaysanaya maqnaanshaha Gobolka Sool kuna doodayey inay dib uga xorayn doonaan Maamulka Somaliland oo mudo ku dhow 4 sano ka ariminayey magaaladaas.

21 April, 2011 waxaa si rasmi ah uga furmay Magaalada London ee UK shir looga magcaabay Khaatumo-1 , Ujeedadka shirkaas ayaa ahaa sida la sheegay midaynta Beesha Dhulbahante & sidii loogu gogol xaari lahaa Shir kale oo ka qabsooma Gudaha wadanka waxaana lagu magcaabay shirkaas Gudi G-6 Gudigaas oo loo idmaday inay ka shaqeeyaan qabsoomida Shirka Khaatumo 2 oo ka dhaca Gudaha Soomaaliya.

5 Jan 2012 waxaa ka furmay Xarunta Taariikhiga ah ee Taleex Shirkii Khaatumo-2 oo ay qaban qaabadiisa lahaayeen gudiga G-6 waxaana Shirkaas ka soo qayb galay ergooyin aad u tiro badan oo isugu jira Odayl dhaqameed, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Culimo, Qurbo joog & hogaankii Jabhada SSC, Shirka oo socday mudo tobaad ah waxaa looga dhawaaqay Maamul Goboleed la magac baxay Khaatumo State of Somalia taariikhdu markay ahayd 16 Jan, 2012 maamulkaas oo la sheegay inuu yeelan doono Golaha Duqayda, Golaha Wakiilada, Wasiiro & 3 Madaxweyne oo ka arimiya aqalka Madaxtooyada.

Dastuuka Puntland x Khaatumo State .

Dhismaha Maamulka Khaatumo wuxuu lidi ku yahay Dastuurka Dowlada Puntland oo dhigaya in aan la kala qaybin Karin Gobolada Puntland sheegayana jiritaanka & midnimada Puntland in ay tahay muqadas sida ku cad qodobka 6aad farqadihiisa 1aad & 5aad oo u dhigan sidan:

DASTUURKA PUNTLAND Qodobka 6aad

DHULKA IYO SOHDIMAHA

Farqada 1aad: Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay Gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, Karkaar, Gobolka Waqooyiga Mudug, Heylaan iyo Gobolka Bariga Sanaag.

Farqada 5aad: Midnimada dhulka Puntland waa muqaddas, lama kala qaybin karo, lagumana xadgudbi karo.

Jawaabta Xukuumada Puntland .

Xukuumada Puntaland waxay sheegtay in Shirka Taleex la majaro habaabiyey ayna ku soo duuleen siyaasiyiin leh u jeedooyin gaar ah aysana aqbali doonin marna kala qaybtinta Gobolada Puntland sida uu cadeeyey Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Gen: Cabdisamed Cali Shire oo 21 Jan khudbad ka jeediyey maalinta Saxaafadda Soomaaliya waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

(Beeshu waa Puntlad waligeedna waa ahaan doontaa ilaa iyo sidii ay Puntland ugu soo biireen oo kale ay uga baxaan, waxaan ognahay in shirka Khaatumo ay garwadeen ka noqdeen rag ku caan-baxay danahooda shaqsiyaad ).

Hadalka Gen: Shire wuxuu cadeeyey mawqifka Xukuumada Puntland ay ka taagantahay Maamulka Khaatumo & sida aysan marna u aqbali doonin kala qaybinta midnimada & wada jirka reer Puntland hadalkaas oo noqonaya mid baal dahab ah ka gala Taariikhada Puntland.

Ku dhawaaqidii Maamulada Casayrland .

Xubno ka mid ah qurba joogta Degmooyinka Caluula & Baargaal waxay ku dhawaaqeen inay sameeyeen Gobol cusub oo ka tirsan Puntland markii danbena waxay ku dhawaaqeen maamul Goboleed la magac baxay Casayrland iyagoo sheegay inay ka go`een Puntland inteeda kale .

Arrintan waxaa loo aanaynayaa inay dhalatay kadib markii Maamulka Puntland uu ka dhego adaygay inuu Degmooyinka Caluula & Baargaal u magcaabo Gobol taasina ay keentay inay ka faa`ideystaan Xubno Siyaasiyiin ah & qaar ka mid ah qurba joogta deegaankaasi sidaana ay ku magcaabeen Maamul aan meelna haysan una horseedaan Bulshada Degmooyinkaas jaahwareer & kala qaybsanaan .

Waxyaabihii ay ka gaabisay Xukuumadu.

Waxaa jira balanqaadyo badan oo ay fidiyeen wakhtigii ololaha doorashada hogaanka Dalka & wax badan oo laga sugagyey inay wax ka qabtaan kuwaas oo qaar kood ay ku Guuldarsteen inay fuliyaan ama ay uga soo baxaan sidii la rabay iyadoo aan la dafiri Karin Awooda, Dhaqaalaha & Kaalmooyinka ay hesho Dowladda oo ah kuwo kooban aana u saamixi karayn inay daboolaan baahiyo badan oo Dadweynuhu ka sugayeen waxaanse qormadan kaga xusi karnaa:

  1. Maamul baahinta.
  2. Soo celinta Magaalo madaxdii Gobolka Sool.
  3. Kobcinta Ciidamada Nabadsugid (Sirdoonka).
  4. Tayaynta Laamaha Garsoorka.
  5. Dhamaystirka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.
  6. Warbaahin ku hadasha Afka Dowladda.

Maamul Baahinta.

Iyadoo laga joogo asaaskii Puntland 13 sano dhamaan Xukuumadhii soo qabtay talada Dalka waxay ku guulaysan waayeen inay Maamulka ku baahiyaan Degmooyin ka tirsan Gobolada Sanaag, Sool, Cayn, Hayland & Degmooyinka ku teedsan Badweynta Hindiya.

Ka maqnaanshaha Laamahi & Hay`adihii Dowliga ahaa Degmooyinka Puntland qaar waxay u saamaxday inay ka dilaacaan meelaha qaar Jiri Siyaasadeed aan wax dana u wadin Bulshada sida Degmooyinka Baargaal & Caluula.

Soo celinta Magaalo madaxdii Gobolka Sool- Laascaanood .

Magaalo madaxdii Gobolka Sool ee Laascaanood waxay ka baxday gacanta Puntland wakhtigii ay dalka maamulaysay Xukuumadii Gen: Cade, markii la bilaabay ololihii doorashada musharax kasta oo u hanqal taagayey inuu qabto hogaanka Dalka wuxuu balan qaadkiisa ugu horeeya ku sheegay in u soo celin doono Degmada Laascaanood kana saari doono Soomaliland iyadoo arintaas loo aanaynayey 2 Arimood:

1- Beesha Degta Gobolka Sool oo Baarlamaanka ku leh 17 Xildhibaan masharaxi hela codadkoodana u rajo weyn ka qabo inuu ku guulaysto hogaanka Dalka.

2- Xukuumadii Gen: Cade oo la rabay in laga tuuro Xafiiska oo u muuqatay mid aan awood badan u lahayn soo celinta Gobolka Sool taas oo fursad u ahayd musharaxiintu inay ku canbaareeyaan kuna eedeeyaan inay ku fashilantay soo celinta Gobolka maqan.

Madaxweynaha & Ku xigeenkiisu waxay balanqaadeen inay mudo 1 sano Gudahood ah ku soo celin doonaan gacanta Puntland Degmada Laascaanood, sida uu dhigayo Dastuurka u degsan Dalka Qodobka 6aad farqadiisa 4aad waxay ku tahay waajib muqadas ah ilaalinta Deegaanada Puntland farqadaas oo u qoran sidan:

DASTUURKA PUNTLAND Qodobka 6aad

DHULKA IYO SOHDIMAHA

Farqada 5aad: Dhulka Puntland waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo dhulka hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan 200 maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu dambeeya, waxaana mas`uul ka ah Dawladda.

Inkasta oo ay xagal daaciyeen qorshayaal badano o Dowladu dib ugu so celin lahayd Degmada Laascaanood Jabhadii SSC & midnimo la`aanta beesha Deegaankaas ayna soo mareen duruufo badan oo u saamixi waayey inay qaado weerar hadana Xukuumadu waxay ku guuldarastay inay gudato waajibkaas Dastuuriga ah.

Kobcinta Ciidamada Nabadsugid (Sirdoonk) .

Sidii aan ku xusnay qaybtii koowaad ee faaladan Puntland waxay u qabtaa helitaanka Ciidan Sirdoon (Nabadsugid) oo tayeysan baahi weyn maadama ay ku taalo goob xasaasi ah ayna leedahay cadowyo badan hase ahatee Ciidamada Nabadsugid Puntland ma ahan kuwo ka soo bixi kara shaqada laga rabo oo ah mid baaxad weyn, Xukuumaduna kama aysan qaban shaqo fiican mana siin muhiimad gaar ah dhismaha Hay`ada Nabadsugida taas oo la aaminsan yahay inay kaalin wax ku ool ah ka ciyaari lahayd xaqiijinta Amaanka hoosna u dhigi lahayd falalka argagixisada ee ka dhaca Deegaanada Puntland qaar.

Tayaynta Laamaha Garsoorka.

Laamaha Garsoorku maahan kuwo ay tayadoodu fiican tahay kamana jawaabi karaan 100% hawlaha ay uga fadhiyaan qaybaha Bulshadu waxaana marmarka qaar ku eedeeyaan inay ridaan go`aamo ka fog Cadaaladda.

Saraakiisha Hay`adani waxay bartilmaameed u noqdeen falalka argagixiso iyadoo ku weyday xubno muhim u ahaa Garsoorka aqoona durugsana u lahaa .

Dhamaystirka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Xukuumadu markii ay qabatay hogaanka Dalka Garoonka Diyaaradaha Booaaso wuxuu ahaa mid qabyo ah oo Sida la rumaysan yahay lacgtii loogu talo galay in lagu dhamaystiro la musumaasuqay, Xukuumadu waxay markiiba bilowday sidii ay u dhamaystiri lahayd Garoonkaas waxayna ku guulaysatay in ay ka qabato shaqo aad u balaaran si rasmi ahna u furto si ay u isticmaalaan Diyaaradaha .

Hase ahaatee weli waxaa qabyo ah qaybo badan oo ka tirsan garoonka waxaana looga fadhiyaa Xukuumadu inay ka hawl gasho sidii loo dhamaystiri lahaa Garoonkaas maadama Bulshada Reer Puntland & Diyaaradaha ka shaqeeyaa dhib weyn ku qabaan waxaana la aaminsan yahay in uu Dalka ku so kordhin lahaa dhaqaale aad u fara badan & fursado shaqo hadii si buuxda loo dhamayn lahaa.

Warbaahin ku hadasha Afka Dowladda.

Dowladu waxay samaysan weyday Warbaahin ku hadasha Afkeeda sida TV, Radio & Wargays taas oo hadii ay yeelan lahayd u fududayn lahayd inay ku baahiyaan qaybaha Dalka Qorshayaashooda, Kaalin fiicana ka ciyaari lahayd wada shaqaynta, kala warhaynta & isfahanka Maamulka & Bulshada.

La soco Qaybta Sadexaad.

Akhri Qaybtii Kowaad

Shiine Culay

Dubia- United Arab Emartes

Phone: 00971555526251 Email: Shiine.culay@gmail.com facebook.com/Shiineculay

Faaladan kala xiriir Qoraaga ku saxiixan