Xukuumadda Puntland Oo Guddi U Saartay Xuska Munaasabadda 1-da Ogos

Published: July 13, 2023

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa shir-guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo todobaadkan looga hadlay amniga, warbixinta dhacdooyinka todobaadka, dakhliga dowladda , xeerka iyo siyaasadda sumadaha Ganacsiga iyo qodobo kale.

Golaha ayaa ka hadlay u diyaargarowga xuska 1-da August, Sanad guurada 25-aad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay Dowladda Puntland, Iyadoo loo saaray Guddi howshaasi ka shaqeeya.

Horseed Media