Xukuumadda Puntland: “Waxaan ka xunyahay oo cambaareynaya dhacdadii ka dhacday Garoowe”

Published: June 22, 2023

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta shir-gudoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga Caasimadda iyo guud ahaan Puntland, Arrimaha deegaanka iyo qodobo kale.

Madaxweyne Deni iyo xukuumadiisa ayaa sheegay inay ka xun yihiin dagaalkii Garoowe ka dhacay talaadadii lasoo dhaafay, isla markaana diyaar u yihiin wadahadalada nabadeed.

Golaha Wasiirada Dowladda Puntland wuxuu ka xunyahay oo cambaareynaya dhacdadii ka dhacday Garoowe 20-kii June 2023, Isagoo ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi, waxaana uu Goluhu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay, Golaha Wasiirada ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay in la illaaliyo nabadda , kala danbeynta iyo Dowladnimada cidkasta oo lidi ku ahna meel looga soo wada jeesto Dowlad iyo Shacaba. Sida la wada ogsoonyahay Dowladda Puntland waxay bilihii u danbeeyay dadaal ku bixinaysay sidii wadahadalo nabadeed loogu dhameyn lahaa arrimaha taagan, welina diyaar ayeey u tahay.” – ayaa lagu yiri; War qoraal ah oo kasoo baxay shirka golaha wasiiradda Puntland.

Sidoo kale Shirka golaha wasiiradda ayaa looga digey wax kasta oo keeni kara khalkhal gelin bulsho, sida dadka faafinaya dacayaadka iyo qixinta dadweynaha.

Horseed Media