Xukuumadda Soomaliya oo ka hadashay waxa hortaagan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof & cod ah

Published: March 24, 2023

Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya ayaa ka hadashay waxa hortaagan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah si Bulshada Soomaaliyeed u doortan cidda ay doonaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha & dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay yihiin kuwo hortaagan inay dalka ka dhacdo doorashoq of iyo cod ah.

Wasiirka ayaa arintaas u sababeeyey in ay Al-Shabaab weli heystaan degaannada qaar, iyagoo sidoo kalena ay dileen dad doorashooyinkii la soo dhaafay ka qeyb qaatay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan macquul noqoneyn in degaannada ay dowladda maamusho kaliya doorashada laga qabto, isla markaana laga tago dadka kunool degaannada ay gacanta kuhayaan Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in muddo laba sano gudahood ah Al-Shabaab looga saari doono degaannada ay kaga sugan yihiin dalka.

Horseed Media