Xulka qaran Soomaaliya ee 18-jirada oo guul wayn ka gaaray dhigooda xulka Sudan

Published: November 29, 2023

Xulka Qaranka Soomaaliya ee 18-jirada ayaa 3 iyo 0 uga badiyey xulka Qaranka Sudan kulan ka tirsan tartanka CACAFA U18.

Xulka Soomaaliya ayaa ciyaarta qeybteedii hore gool iyo waxba ku hogaamiyay. Waxaa hogaanka ciyaarta u dhiibay ciyaaryahan Idiris Maxamed Bilaal.

Kolkii la iskugu soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta waxaa awooda ciyaarta iyo hogaankeedaba sii watay xulka Qaranka Soomaaliya. Waxayna la yimaadeen labo gool oo kale. Waxaana shabaqa soo taabtay ciyaaryahanada kala ah Mahad Shiine iyo Maxamed Gaabow.

Soomaaliya ayaa sidaas sadex dhibcood kaga qaadatay xulka Sudan, waxa ayna kaalinta 2-aad ka gashay kala saraynta group A. Halka hogamiyayaasha group ay yihiin xulka Kenya oo goor hore u gudbay wareega xiga ee tartanka.

Soomaaliya waxa u haray hal kulan oo ay wajihi doonaan maalinka jimcaha xulka Kenya oo goor hore u gudbay wareega xiga ee tartanka. Hadii ay ka badiyaana waxa ay sidaas ugu gudbi doonaan Semi Final-ka koobka CECAFA ee da’da 18 sano ka yar.