Xuska Maalinta Caruurta Afrika Oo Lagu Qabtay Caasimadda Garoowe

Published: June 17, 2023

Munaasabad lagu xusayo maalinta caruurta Afrika ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland ayaa waxaa iska kaashaday wasaaradda haweenka Puntland iyo hay’adda Save the Children.

Xuska maalinta caruurta Afrika oo sanad kasta la qabto 17/Juun ayaa looga hadlayaa tacadiga iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan caruurta.

Horseed Media