Xuutiyiinta oo duqeeyay Saldhig iyo Markab laga leeyahay Israel

Published: July 15, 2024

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Axaddii shalay duqeynmo la beegsaday saldhig militari oo ku yaal magaalada koonfureed Eilat ee dhulka Israel heysto iyo markab marayey gacanka Cadmeed.

Afhayeenka militariga Xuutiyiinta  Yahya Sare ayaa sheegay inay gantaalo la beegsadeen markab lagu magacaabo MSC UNIFIC oo laga leeyahay Israel, kaasi oo marayey gacanka Cadan.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay duqeyn drone la beegsadeen saldhiga ciidamada badda ee Israel ku leeyihiin magaalada Eilat ee dhulka la heysto.

Weeraradan ayey Xuutiyiinta sheegeen inay uga jawaabayeen xasuuqii Israel Sabtidii lasoo dhaafay ay ka geysteen magaalada Khan Yunis ee Marinka Gaza.

Dhinaca kale Taliska dhexe ee militariga Mareykanka ayaa sheegay inay badda cas kusoo rideen labo diyaarad Drone oo laga soo diray dalka Yemen, sidoo kalena burburiyeen doon siday waxybaaha qarxa.

Horseed Media