Xuutiyiinta oo duqeeyey Markab Mareykanka leeyahay

Published: January 16, 2024

Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto ayaa gantaal ballistic ah ku dhuftay markabka Gibraltar Eagle oo laga leeyahay dalka Mareykanka, isniintii shalay.

Taliska dhexe ee militariga Maraykanka ayaa sheegay in aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay dadkii markabkaasi saarnaa.

Weerarkan ayaa yimid saacado kadib markii Mareykanka soo rideen gantaal lagu tuuray mid kamid ah maraakiibtooda dagaalka.

Xuutiyiinta Yemen oo ka jawaabaya duqeymihii Mareykanka iyo Ingiriiska ka geysteen dalka Yemen Jimcihii lasoo dhaafay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan beegsiga Maraakiibta laga leeyahay Mareykanka, UK iyo Israel.

Xiisada Badda Cas ayaa sii kordheysa iyadoo Xuutiyiinta Yemen horey u sheegeen inay sii wadi doonaan weeraradooda inta Israel xasuuqa ka wado Gaza, waxayna hada sii balaariyeen maraakiibta ay bartilmaamsanayaan oo ay ku dareen maraakiibta laga leeyahay Mareykanka iyo UK.

Dowlada Mareykanka iyo xulafadooda ayaa sheegay inay ka hortagayaan weerarada Xuutiyiinta ee ku aadan Israel iyo weerarada lagu khal khal gelinayo amniga maraakiibta isticmaasha badda Cas.

Horseed Media