Xuutiyiinta oo duqeeyey Markab Shidaal sida

Published: May 18, 2024

Markab nooca saliida qaada ah oo ka babanaya calanka Panama ayaa lagu weeraray meel u dhow magaalada dekedda ah ee Mokha ee badda cas ee Yemen, sida ay sheegtay shirkadda ammaanka ee Britain Ambrey Sabtidii.

Markabka ayaa lagu dhuftay gantaal waxaana ka kacay dab qiyaastii meel 10 miles koonfur-galbeed ka xigta magaalada Mokha.

Maraakiibta kale ee agagaarkaas maraya ayaa lagula taliyay inay taxaddar muujiyaan.

Wararka horudhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in shaqaalaha Markabka saaran ay bad-qabaan.

Xuutiyiinta ayaa sheegay inay sii wadi doonaan weeraradooda illaa inta ay Israa’iil joojineyso duulaanka ay ku qaaday Gaza.

Horseed Media