Xuutiyiinta oo markii ugu horeysay duqeeyey Tel Aviv

Published: July 19, 2024

Diyaarad nooca drone-ka ah oo ay leeyihiin Xuutiyiinta Yemen ayaa markii ugu horeysay duqeysay magaalada Tel Aviv ee Israel, ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintey duqeyntan oo ay xakameyn waayeen difaaca cirka ee Israel.

Qaraxan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay meel aan ka fogeyn safaaradda Mareykanka ku leeyahay magaaladaasi ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 5 qof oo kale.

Israel ayaa xaqiijisay in qaraxan uu ahaa diyaarad Drone, taasi oo ay soo radi waayeen difaaca cirka ee Israel ku faanto.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa sheegay in duqeyntan ay u adeegsadeen drone ay ku magacaabeen “Yafa”, halka Israel sheegtay in nooca dronekan ahaa midka Samad-3 oo ay sameyso Iran.

Waa markii ugu horeysay oo ay Xuutiyiinta Yemen ku guuleystaan inay duqeeyaan Tel Aviv, iygoo horey dhowr goor gantaalo ulla beegsaday koonfurta dhulka Israel maamusho, gaar ahaan saldhigyada ciidamada badda.

Xuutiyiinta ayaa sheegay inay sii wadi doonaan duqeynta ay la beegsanayaan Israel inta ay wado xasuuqa shacabka Falastiin ee Gaza.

Horseed Media