YEMEN: Imaaraatiga oo la wareegay Dekada Gaaska laga dhoofiyo ee Balhaf

Published: February 27, 2018

Wasiirka Gaadiidka ee dalka Yemen ayaa ku eedeeyey in dowlada Imaaraatiga ciidamadeeda xoog kula wareegeen Dekada laga dhoofiyo Gaaska Yemen ee laga dhisay magaalada Balhaf ee gobalka Shabwa, koonfurta dalka Yemen.

Wasiir Saleh al-Gabwani ayaa sheegay in Axadii lasoo dhaafay ay ciidamada deegaankaasi u diideen in uu booqdo munaasabada furitaanka dekada, amarkaasi oo kasoo baxay dowlada Imaaraatiga.

Wasiirka Gaadiidka ee Yemen ayaa sheegay in ciidamada deegaankaasi ka arrimiya ee loo yaqaan Shabwa Elite Force ay yihiin kuwo ay tababartay ayna hubeysan dowlada Imaraatiga, kuwaasi oo ka amar qaata oo kaliya dowlada UAE.

Dekada Gaaska dabiiciga ah laga dhoofiyo ee laga dhisay magaalada Balhaf ee gobalka Shabwa ayaa kamid ah goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Imaaraatiga ee ka qeyb qaadanaya dagaalka ka socda wadanka Yemen.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada Yemen looga baahan yahay inaysan ogolaan in dalkeeda lagu maamulo, wuxuuna sidoo kale khatar weyn ku sheegay abaabulka Imaaraatiga ka wado koonfurta Yemen.

Dowlada Imaaraatiga ayaa taageero siineysa ciidamada doonaya gooni isutaaga koonfurta Yemen iyo maleeshiyaadka kasoo jeeda gobalada koonfureed oo ay ku yaalaan illaha dhaqaalaha oo ay dowlada Imaraatiga dooneyso.

Dowlada Yemen ayaa horey usoo dhaweysay taageerada ciidamada xulafada Sacuudiga oo uu Imaaraatiga kamid yahay, balse waxaa hada soo baxday in Imaaraatiga qorshe dheer ka damacsan yahay Kaabayaasha dhaqaalaha wadanka Yemen.

Ciidamada Imaaraatiga ayaa diirada saaray goobaha ay ku yaalaan xarumaha shidaalka iyo gaaska Yemen, dhulkaasi oo ay ka saareen xoogaga mucaaridka, isla markaana ka dhiseen ciidamo iyaga ka amar qaata iyadoo taasi usii dheertahay inay qeyb weyn ku leeyihiin dhaq dhaqaaqa gooni u goosadka ee kasoo cusboonaaday koonfurta Yemen taasi oo ay xukuumada Yemen u aragto halis horleh oo kala qeybin karta wadankaasi oo sanadihii lasoo dhaafay ku jiray dagaalo sokeeye.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *