YEMEN: Tirada dhimashada Duqeyntii Israa’iil ka geysatay dekedda Xudeydah oo korortay

Published: July 21, 2024

Tirada dhimashada duqaymaha ay Israa’iil ku qaaday dekedda Yemen ayaa gaartay lix qof, maamulka caafimaadka maxalliga ah ayaa sheegay Axaddii, iyadoo kooxaha dab-damiska ay la dagaallamayaan dab ka kacay dekedda Xudeydah.

Weerarkii Sabtidii lagu qaaday dekedda, oo ah marin muhiim u ah shidaalka iyo gargaarka bini’aadantinimo ee Yemen ay dagaalladu halakeeyeen, ayaa ah tii ugu horreysay oo Israa’iil ay la beegsato dalkaasi oo qiyaastii 2,000 kilomitir (1,300 mayl) u jira.

Dhimashada ayaa gaareysa lix qof, 83 kalena way ku dhaawacmeen, kuwaas oo qaar badan oo kamid ah ay aad u gubteen, wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa sidaas ku sheegtay war ay baahisay warbaahinta gudaha. Waxa ay sheegtay in saddex qof kale la la’yahay.

Goor sii horreysay, afhayeenka milatariga Xuuthiyiinta Yahya Saree ayaa sheegay in “jawaabta kooxda ee ku wajahan gardarrada Israa’iil ay tahay mid lama huraan ah oo iman doonta ayna noqon doonto mid weyn.”

Israa’iil ayaa sheegtay in weerarkan ay jawaab u tahay weerar diyaaradeed oo Xuutiyiintu ay ku qaadeen magaalada Tel Aviv oo hal qof ku dhintay Jimcihii.

Horseed Media