10 Qodob oo Beesha Caalamku Ka Soo Saartay Doorashada 2020ka-DAAWO

Published: December 19, 2019

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Saaxiibada Soomaalida ayaa lagu shaaciyay in muhiim ay tahay in doorashada barlamaanka iyo madaxtooyada dowladda Federaalka la qabto waqtigooda oo ah dhamaadka 2020ka ama horaanta 2021ka.

Bayaanka ayaa dowladda federaalka ugu baaqaya inay fuliso ballanqaadyadii, islamarkaana aan la kordhin waqtiga xil haynta ee hay’adaha dowladda Federaalka.

Qodobada ayaa kala aha.

  • in la ixtiraamo dastuurka Federaalka
  • in la xaqiijiyo in doorashooyinka federaalku dhacaan waqtigooda 2020-2021, islamarkaana aan mudo kordhin loo samayn barllamaanka iyo xukuumadda.
  • Xaqiijinta mataalad dhab ah ee qaybaha bulshadda Soomaalida
  • Gaarsiin fursad shacabku ay si toos ah u doortaan gollayaashooda (doorashada cod iyo qof ah)
  • Xaqiijinta damaanad qaadista qoondada haweenka ee barlamaanka 30%
  • Xaqiijinta in loo fududeeyo ka qaybgalka dadka Soomaalidyeed ee Barakacayaasha ah
  • Xaqiijinta taageero buuxda oo laga helo Daneeyaasha siyaasadda ( Maamul goboleedyada iyo qaybaha kale)
  • In la xurmeeyo muddo xileedka guddiga doorashooyinka Federaalka
  • In Doorashadu ay ku dhacdo hab nabdoon si hoggaamiyaasha la doortay ay u helaan sharciyad
  • In la xurmeeyo doorka xisbiyada siyaasadda

HALKAN KA DAAWO

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *