Hay’adda IOM ayaa u fududeysey in 147 muwaadin oo Soomaali ah dalkooda dib loogu soo celiyo kuwaas oo ku xirnaa xabsiyada Liibiya.
Dib u soo celinta dadkan Soomaalida ah waxaa iska kaashadey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Midowga Yurub iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM. Dadka maanta dib loo soo celiyey ayaa ahaa tahriibayaal Soomaali ah oo ku xirnaa Liibiya.
Diyaaradda ayaa markii hore ku degtay magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ka soo degeen 31 tahriibayaal ah, ka hor inta aysan u sii gudbin Muqdisho oo ay keentay 116 tahriibayaal ah. Dadka soo laabtay ayaa waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyay masuuliyiin ka socdey dowladda federaalka Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson iyo ku xigeenka madaxa IOM ee Soomaaliya Prestage Murima.
Danjire Yunis Xaashi oo ku hadlayay magaca Wasiirka arrimaha dibadda ayaa yiri: “Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka heleysa Midowga Yurub iyo IOM, waxay xaqiijineysaa in muwaadiniinteenu ay si sharaf leh dalkooda ugu soo laabtaan iyo taageerada loo baahan yahay si dib loogu dhiso noloshooda”.
Duulimaadka sidey dadka la soo celiyey ayaa noqonaya kii saddexaad ee muddo laba bilood gudahood ah, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee muhaajiriinta Soomaalida ah ee lagu celiyay dalkooda in ku dhaw 844 oo qof.