Israa’iil waxay sii joogi doontaa goobta istaraatiijiga ah ee buurta Hermon ee xadka Suuriya ilaa laga helayo heshiis kale, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.
Talaadadii, Netanyahu waxa uu aaday goobta si uu warbixin hawleed ula yeesho taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiisha.
Ciidamada Israel ayaa qabsaday buurta Hermon markii ay u dhaqaaqeen aag ka caagan militariga oo u dhexeeya Suuriya iyo buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato ka dib burburkii dawladda Bashaar Al-asad ee Suuriya bishan.
Ku dhaqaaqista Israel ee aagga difaaca ee la abuuray ka dib dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1973 ayaa lagu dhaleeceeyay inay ku xadgudubtay heshiisyada caalamiga ah ee dalal badan iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo ku baaqay in ciidamada laga saaro.
Saraakiisha Israa’iil ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid xaddidan oo ku meel gaar ah si loo sugo ammaanka xudduudaha Israa’iil balse ma aysan bixin wax calaamad ah oo muujinaya xilliga laga yaabo in ciidamada laga saaro, waxaana wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Katz uu todobaadkii hore amar ku siiyay ciidammada inay isku diyaariyaan inay sii joogaan Buurta Hermon xilliga jiilaalka. .
Horseed Media