Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa xilkii kula wareegay agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali.
Munaasabadda xil wareejinta waxaa ka soo qaybalay raysalwasaare Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda looga fadhiyo sidii Baasaboorka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida.
“Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa horyaalla shaqooyin badan oo ay kamid tahay hufnaanta Hey’adda, maadaama ay tahay mid kamid ah hey’adaha ugu sarreeya ee bixiya adeegga bulshada, waana halka ay cid walba ka eegayso adeegga ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda shaqadii muhiimka ahayd ee uu dalka u soo qabtay muddadii yarayd ee uu xilka hayey.
Baasaboorka Soomaaliga ayaa Viso la’aan lagu tegi karaa 11 dal oo keliya, halka 21 dal oo kale Visa laga qaato markii garoonka laga dego, ilaa 169 dal ayaa Viso looga baahan yahay ka hor safarka.