1XBET iyo Maxkamadeynta Sarkaal ku eedaysan dhac Hub Ciidan iyo Hanti shacab

Published: August 6, 2023
Shares22

Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ayaa soo gabagabeysay dhgeysiga dacwad loo heysto Xidigle/Boolis Maxamed Tahliil Cabdi oo lagu eedeeyay inuu iibsaday labo qori oo AK47 ah oo ay lahaayeen askar ka tirsan ciidanada Booliska Soomaaliyeed, lacagta uu hubkaas ku iibsadayna wuxuu ku ciyaaray ciyaarta la yiraahdo “1XBET”.

Sarkaalkan ka tirsan ciidamada Booliska ayaa tijaabiyay farsamo ugub ah waana u meel-martay, sida uu eedeysanaha ka hor qirtay Maxkamadda.

Shaxdan si aadan ugu wareerin bal hadda si wanaagsan u dhugo sheekadan, Xidigle Maxamed Tahliil Cabdi oo ah Baare hay’adda dambi baarista C.I.D-da ka tirsan, ma diidana in shacab iyo ciidanba isku dulmaray, wuxuu lahaa yool ah ka guul gaarista ciyaaraha khamaarka online.

” Mudane Garsoore waa jirta qorshaha inaan qaatay, waxaa ku soo haray lacagta aad sheegeysid afarta boqol ee dollar iyo saddexda boqol, labo iyo labaatanka dollar ah, lacagta dhammaan ma wada qabo qaar ayaa ka qabaa lacagtaas,” ayuu yiri Xidigle Maxamed Tahliil Cabdi oo maxkamadda ka hor hadlayay.

Haddaba, Game-ka 1XBET, sharaxaad kooban hanaga siiyo Maxamed Cabdullaahi Khaliif oo ah ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida.

” Mudane guddoomiye eedeysanaha wuxuu isticmaalaa aaladda loo yaqaano 1XBET, application-kaas teleefoonada ayuu ku jira, waxaa loogu talagalay khamaarka lagu ciyaaro online iyo baararka ayaa teleefonka lagu shubay, waxaa loogu talagalay in qof kasta Mobile-kiisa ka isticmaalo, application-kaas guddoomiye waxaa lagu ciyaaraa Game lacago lagu helo, sidoo kale waxaa la saadaaliyaa ciyaaraha, kooxdan ayaa badineyso iyo kooxdan ayaa badineyso, waxaas waa waxa lacagta laga helo,”.

Baaraha kiiskan ayaa garsoorka ciidamada qalabka sida uga sheekeeyay sida ay isugu xiran yihiin farqaha dambi ee eedeysanuhu u xiran yahay.

” Sidoo kale, waxaa cadeyman ka qornay oo aan wareysanay guddoomiye maamulaha Hotel ka “New Fatxi”, wuxuu noo sheegay in eedeysanaha hotelkiisu soo degay uuna deggannaa muddo 7-cisho ah, inta uu degganaana uu yiri warqad Passapor oo magac laga beddelaayo anigaa kuu soo dhammeynaa uu lacag sidaas uga qaatay, lacagtaas oo gaareysay afar boqol oo dollar,”.

Inta badan dhallinyarada ayaa si aan caadi ahayn u isticmaala aaladdan, waxay da’yarta qaar ay rumeysan yihiin in shar iyo xoogaa faa’ido ahba wada xambaarsan yahay.

Xeer ilaaliye Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa Maxkamadda weydiistay in laga gaaro kiiskan xukun adag si ay badbaado ugu noqoto badqabka hantida ciidanka iyo dhowrsanaantoodaba.

Dhankiisa, qareenka ayaa codsaday inaan lagu dheereyn, maaddaama eedeysanuhu qirsan yahay dambigiisa.

Ugu dambeyntii, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa soo xiray fadhigan maxkamadeed.

” Dhageysiga garmaqalka ka dhanka ahaa eedeysane Xidigle/Booliis Maxamed Tahliil Cabdi intaas ayuu ku egyahay maxkamadda ayaana go’aan ka soo saareysa, kiiskana waa inoo xiran yahay,”.