Soomaaliya oo dedaal ugu jirta la soo wareegida maamulka duulista hawada

Published: February 17, 2017

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengali ayaa kulan la qaatey Madaxada hay’adda Duulimaadka rayidka ee caalamiga ah ICAO, Dr.Olumuyiwa Benard Aliu.

Wasiirka ayaa kala hadley sidii loo dedejin lahaa dhamaystirka qalabka hagida duulimaadyada ee Soomaaliya u baahan tahay ka hor inta aan lagu soo wareejin maamulka hawada sare.

Madaxa hay’adda ICAO Dr.Olumuyiwa Benard Aliu ayaa ballan qaadey dhamaystirka iyo sare u qaadida aqoonta shaqaalaha duulimaadka ee Soomaaliya, marka si toos ah Soomaaliya ula wareegto maamulidda duulimaadyada hawada sare o muddo dheer laga hagaayey dalka Kenya.

Sida laga soo xiganayo Wasaaradda Duulista hawada ee Somaaliya qalabka lagu hago diyaaradaha ayaa lagu rakibi doonaa sideed garoon oo ku yaala gudaha Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayaa agaasimaha wasaaradda gaadiidka duulista hawada uu shaki geliyey in Soomaaliya lagu soo wareejin karo maamulka hawadeeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *