Shir lagula Xisaabtamayo Hay`addaha Caalamiga ah oo Muqdisho lagu qabtay

Published: August 29, 2018

Ujeedada shirkaan wadatashiga ayaa ahaa siddii loo la xisaabtami lahaa hay`daha NGO-yada Caalamiga ah ee mashaaracida horumarineed ka fuliyo gudaha dalka, kuwaasi oo fadhiigooda yahay wadanka Kenya.

Dawladda Soomaaliya, ayaa hey`addahaasi ku wargalisay in xarumahooda ay ka dhigtaan Soomaaliya, ayna shaqaaleysiiyaan muwadiniinta Soomaaliyeed, waxaana shirka si wadajir ah uu so qaban qaabiyey Wasaaradda Qorsheynta maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha iyo Hay`adda isu-taga ururadda aan Dowliga aheyn.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo daah furay shrikaan, ayaa sheegay in loo baahan yahay siddii hay`addaha caalamiga ah ay ula shaqeyn lahaayeen dawladda Soomaaliya, iyaggoo ku shaqeynayo gudaha dalka.

“sababta aan ula shirnay waxay tahay in aan uu sheegno in dawladda Soomaaliya ay rabto hay`adaha caalmiga ee mashaaricada ka shaqeeyo inay Soomaaliya joogaan, inay qortaan shaqaale Soomaaliyeed, canshuurtana ay bixiyaan” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta XFS.

Wasiirka, ayaa xusay in aysan la shaqeyn doonin hay`adaha xarumahooda aan aheyn gudaha dalka, ayna kala noqonayaan Ruqsada, isaggoo faray dhammaan hay`adaha caalamiga ah in sanadka cusub ay dhaqan galiyaan awaamirta la faray.

“waa dhammaatay in hay`addaha sanadka cusub dalka dibadiisa ay kusii shaqeeyaan, dawladda Soomaaliya lama shaqeyn doonto haddii dalka gudagiisa aysan ku shaqeyneynin, waxyna kala noqon doontaa ruqsada shaqada” ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *