Xubno ka socda Aqalka sare oo gaaray Garoowe

Published: September 16, 2018

Wafdigii ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu u diro maamul Goboleedyada ayaa saaka gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Wafdigan ayaa Magaalada Garoowe u tagay sidii xog ururrin dhab ah ay uga keenaan tabashada maamul goboleedyda ee ku aadan khilaafka kala dhexeeya dowlada federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wefdigan ayaa Garoowe u tagay si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda oo xiligan la fahamsan yahay in ay ku kala aragti duwan yihiin qodobadii kazoo baxay shirkii Kismaayo lagusoo gaba gabeeyay gaar ahaan hakinta xiriirkii wada shaqeyneyd ee madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka.

Aqalka Sare oo kamid ah golayaasha sharci dejinta ee dalka ayaa dhawaan shir ay isugu yimaadeen Muqdisho waxa ay ku sheegeen in guddi soo baara una kuurgala xaaladda siyaasadeed, amni, nololeed, bulsho, iyo arrimaha federaalka ee ka jira deegaanada D/goboleedyada loo diro, si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Dowlad Goboledyada isla markaasna xal loogu raadiyo khilaafka hadda taagan.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *