Taliyaha Booliska: Amniga dalku meel xun ayuu marayaa

Published: February 11, 2020

Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xassan Maxamed oo ka hadlaayey munaasabad looga hadlaayey wada shaqeynya iyo isku xidhka Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha iyo tan Booliska ayaa sheegay in Amniga dalku marayo meel xun oo u eg in lagu soo duulay.

Maalmihii u danbeysey ayey ahayd markii la burburiyey oo la qarxiyey Kaamarooyin nooca loo yaqaan CCTV ee lagu xidhay qaar kamiid ah waddooyinka Muqdisho. Taliyaha Booliska ayaa sheegay in amniga dalka lagu soo duuley oo la qarxinaayo kaamarooyinkii amniga ilaalinaayey.

Dalkeena amnigiisa waxaad u malaysaa in lagu soo duuley, ama xuduuda halaga soo galo ama diyaarado halagu yimaado, amnigeenu meel xun ayuu marayaa, waxaa la diidan yahay amniga in la ilaaliyo, dalka horumarkiisa ayaa la diidan yahay, waddooyinka injineeradii dhisi lahaa ayaa la qarxinayaa.

Gen. Cabdi Xassan maxamed Taliyaha Booliska Soomaaliya

Taliyaha Booliska ayaa dalbadey in hay’adda Socdaalku ay ilaaliso dadka soo galaya dalka, wuxuu dalbadey in Booliska iyo hay’adda Socdaalku ay wada shaqeeyaan.

Waa markii u horeysey ee Taliye sare uu qiro in amniga dalku uu marayo meel xun, halka Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalku uu ku doodo in amniga dalka ay wax weyn ka qabteen oo uu maraayo halkii ugu wanaagsanaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *