Wasiir ka tirsan Dowladda federaalka shaaciey cidda ka qaybgeli doonta shirka Dhuusmareeb 3

Published: July 24, 2020

Shirkii Dhuusamareeb 2 waxaa ka soo baxay in la sameeyo guddi farsamo oo ka soo shaqeeya nooca doorasho ee wakhtigeeda ku dhici karta ee dalku gelaayo, kadibna la isugu yimaado shir saddexaad oo la keeno qorshaha ay ka soo shaqeeyeen guddigu kaas oo dhacaya 15 Agoosto.

Shirka 15 Agoosto ayaa ah mid ka duwanaaan doona kuwii hore waxaana uu ku xiran yahay dhisamaha guddiga farsamo iyo sida ay isugu waafaqaan qorshaha loo direy, kadib madaxda Dowaldda federaalka iyo Dowlad goboleedyadu ay saxiixaan qorshahaas.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa u sheegay wakaalada wararka ee SONNA in shirka saddexaad uu ka duwanaan doono kuwii hore oo ay ka soo qaybgeli doonaan shirguddoonka labada aqal iyo Xisbiyada siyaasadeed, ururada bulshada iyo dhamaan dadka uu khuseeyo masiirka dalku.

“Waa uu ka duwan yahay shirka dhuusamareeb wajiyadii hore waxaana ka qeyb-galaya dhammaan dadka uu quseeyo masiirka dalka sida labada gole ee Barnalamaanka Jamhuuriyadda ,Xisbiyada dalka,maamul goboleedyada iyo sidoo kale ururada bukshada rayidka waxaana uu noqon doonaan shir loo dhamyahay ayuu yiri wasiir maareeye.

Maxamed Cabdi Maareeye

Xisbiyada sida kumeel gaarka ah loo diiwaan geliyey ayaa ku dhaw 80 Xisbi, sida ay sheegtey Xaliima Ismaaciil Ibraahim Guddoomiyaha Guddiga Doorashada madaxabanaan waxaa shuruudii la iska rabey soo bixiyey ilaa afar xisbi. Haddaba waxaa la is weydiinayaa waa kuwama Xisbiyada lagu casumaayo shirka saddexaad.

Mudadii uu socdey shirkii Dhuusamareeb, waxaa shirar saxaafadeed qaban jirey hoggaamiyaal sheegta in ay leeyihiin Xisbiyo diiwaan gashan, kuwaas oo canbaareyn jirey shirka Dhuusamareeb.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *