Maraykanka oo ku fashilay cunaqabateyn horleh oo la saari lahaa IRAN

Published: August 15, 2020

Inta badan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ka horyimid qorshe iyo Qaraar uu soo diyaariyey maamulka Maraykanka oo la doonayo in Cunaqabateynta Hubka oo horleh la saaro dowlada IRAN.

Qaraarkan uu Maraykanka watay ayaa waxaa taageeray hal xubin oo kaliya oo kamid ah Golaha Amaanka (wadanka Dominican Republic), qaraarkan ayaa u baahnaa ugu yaraan inuu helo 9 cod ee 15ka wadan ee hada xubnaha ka ah Golaha Amaanka.

Dalalka Ruushka iyo China ayaa kasoo horjeestay qorshaha Maraykanka uu doonayey inuu kusii cadaadiyo dowlada Iran oo horey loo saaray cunaqabateyn dhanka hubka iyo ganacsiga ah. Halka wadamo badan oo ay ku jiraan France, Germany iyo UK ka aamuseen u codeynta qaraarkan.

Heshiiskii Beesha Caalamka iyo IRAN ay wada saxiixdeen sanadkii 2015 ayaa qorayey in cunaqabateynta saaran wadanka Iran ay ku egtahay 18ka bisha Oktoober ee sanadkan, hase yeeshee Maraykanka ayaa hada soo jeediyey in 13 sano lagu kordhiyo cunaqabateyntan.

Xukuumada Donald Trump ayaa si weyn uga shaqeysay in la burburiyo heshiiskii lalagalay IRAN oo ay wax ka saxiixday Dowladii isaga ka horeysay ee Barack Obama.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa war uu soo saaray ku sheegay:

“…Diidmada Golaha Amaanka ee cunaqabateynta IRAN waa mid khalad ah oo khatar gelinaysa amniga iyo degenaanshaha caalamka…”

Trump, Israel iyo xulafadooda Khaliijka ayaa muddo dheer u durbaan tumayey in weerar lagu qaado dalka Iran iyagoo ku doodaya inay ka hortagayaan in dalkaasi helo hubka nukliyerka, balse Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka inteeda badan ayaa isku raacay in Iran ay kasoo baxday dhamaan sharuudihii lagu xujeeyey ee ku qeexnaa heshiiskii la saxiixay 2015.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *