Talibanka oo codsaday inay khudbad kasoo jeediyaan Shirweynaha Qaramada Midoobay

Published: September 22, 2021


Dowlada cusub ee Talibanka Afghanistan ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay in wakiilkooda loo ogolaado inuu khudbada kasoo jeediyo Shirweynaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee ka furmay magaalada New York.

Talibanka ayaa soo magacaabay Ergaygooda u fadhiya Qaramada Midoobay iyagoo sheegay inuusan matelin Ambassadorkii hore ee Afghanistan (Ghulam Isaczai) oo ay soo magacaabay dowladii hore oo isagu weli hada ku sugan New York.

Wasiirka Arirmaha Dibada ee Talibanka ayaa soo magacaabay Afhayeenkooda Mohammad Suhail Shaheen inuu noqdo Safiirkooda UNta.

Sida ku cad diiwaanka khudbadaha laga soo jeedinayo Shirweynaha Afghanistan ayaa ku qoran inay khudbadooda soo jeediyaan maalinta ugu danbeysa ee shirka oo ku beegan 27ka September.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *