Farmaajo oo sheegay inuu shaqada ka joojiyey RW.Rooble

Published: December 27, 2021

Qoraal xalay saqdii dhexe uu shaaciyey xafiiska Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in xilka laga joojiyey Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha wuxuu soo saaray go’aamadan;

1. Maadaama Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu soo galay raad musuqmaasuq iyo ku takrifal hanti dan guud, uuna haatan socdo baaritaan looga gun gaarayo tuhunkaas, waxaa laga joojiyay shaqada iyo awoodaha uu leeyahay Wasiirka Koowaad tan iyo inta baaristaas laga soo gunaanadayo;

2. Xubnaha kale ee Golaha Xukuumadda waxay sii wadanayaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka;

3. Waxaa lagu adkaynayaa dhammaan masuuliyiinta hay’adaha dowladda inay ka fogaadaan ku takrifalka hantida danta guud, ayna dhawraan shuruucda iyo xeerarka dalka.

Go’aankan oo la isweydiinayo inuu sharciga waafaqsan yahay maadaama Madaxweynuhu uusan awood ullahayn xil ka qaadista Raysalwasaaraha xili bartamaha looga jiryo Doorashada Golaha Shacabka oo xilkoodii dhamaaday, isla markaana la doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka cusub ee Dowlada Federaalka.

Farmaajo ayaa go’aankiisan u cuskaday eedeyntii uu todobaadkan soo jeediyey Taliyaha Ciidamada Badda oo sheegay in Raysalwasaaraha la wareegay dhul ay lahaayeen ciidamada badda oo ku yaal xeebta magaalada Muqdisho.

Raysalwasaaraha ayaa isuguna amaro uu soo saaray xilalka ugu kala bedalay Wasiirada Gaashaandhiga iyo Cadaaladda maalinimadii shalay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *