Golaha wasiirada federaalka oo ansixiyey heshiisyo lala galay Pakistaan iyo Turkiga

Published: May 2, 2024

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa maanta oo khamiis ah yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah. Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyey Heshiis Iskaashi ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiska oo ay wada gaareen wasaaradaha caddaaladda ee labada dal Soomaaliya iyo Turkiga oo ka kooban afar qeybood ayaa diiradda saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi sharciyeed, is dhaafsiga iyo dhiibidda eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.

Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo howlgalladii ugu danbeeyey ee ka dhanka ah argagisixasada looga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Heshiiska Iskaashiga ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Baakistaan. Heshiiska Pakistan wax faahfaahin ah lagama bixin.

HORSEED MEDIA