RW.Rooble oo sheegay inuu shaqadiisa wadan doono digniina u diray Farmaajo

Published: December 27, 2021

Xafiiska Raysalwasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay sharci daro tahay qoraalkii xalay saqdhexe kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Raysalwasaaraha oo sheegay inuu shaqadiisa sii wadan doono ayaa sidoo kale ka digay iskudayga Farmaajo doonayo inuu awood ciidan kula wareego xafiiskiisa.

Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *