Puntland: Axmed Karaash Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda UN-KA

Published: April 4, 2022

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Kooxda Ilaalinta Xuquuqul Iinsaanka UNSOM ee Soomaaliya Mrs Kirsten Young ahna Wakiilka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) iyo wefti ay hogaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada xuquuqul Aadanaha ee Puntland, Hir-gelinta Xeerka Caalamiga ah ee dhowrista Xuquuqda Maxaabiista iyo xukunka da’yarta lagu helo dembiyada culus, dhismaha xarunta dhaqan celinta da’yarta, Horumarinta iyo Dhisidda Xabsiga Galkacyo iyo Xarunta Maxkamadda Ciidamada, Tababarka Garsoorka dhanka shuruucda Caalamiga ah iyo Xoojinta xafiiska xuquuqul Aadanaha Puntland iyo dhisida xarunta dhexe ee xafiiska.

Madaxa xafiiska xuquuqul aadanaha UNSOM ee Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha sida ay u garab istaageen xafiiska xuquuqul Aadanaha iyo shaqada wanaagsan ee ay qabteen. Kulanka waxaa ka qayb galay guddoomiyaha xuquuqul Insaanka Puntland, wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Madaxtooyada iyo saraakiil Madaxtooyo.

Ugu dambayn Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa uga mahadceliyey weftiga booqashadooda ay ku yimaadeen Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *