Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ka yeelanaya Miisaaniyadda 2022-ka

Published: June 28, 2022

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankooddii caadiga ahaa, sida uu shaaciyey guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku wargeliyay xildhibaannada inay soo xaadiraan kulanka maanta iyada oo Ajandaha uu yahay akhrinta 2-aad ee Miisaaniyadda 2022-ka.

Golaha waxaa hortagaya wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa dhawaan iska soo xulay guddi KMG ah, kaas oo loo xil-saaray Miisaaniyadda sanadkaan 2022-ka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *