2024 Imtixaanka Shahaadiga ah ee Degsiyada Puntland: Kumaankun Ardey ah oo u fariistey.

Published: May 25, 2024
Shares30

Madaxweynaha Dowladda Puntland Sicidiid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah u furey imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8aad iyo 12aad ee dugsiyada Puntland, sanad dugsiyeedka 2023/2024.

Ardey ka badan 20 kun oo ardey ayaa hal mar u fariistey Imtixaanka dhamaan degmooyinka Puntland.

Madaxweynaha oo uu furitaanka Imtixaanka ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed ayaa sheegay in dowladdu ay sannadka mudnaan gaar ah siinayso ardayda kaalimaha hore ka gala imtixaanka, iyadoo abaal-marinni iyo dhiirri-gelin loo sameynayo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mid kamid ah fasalada 12aad ee dugsiga sare u qaybiyey Imtixaanka waxaana uu u rajeeyey guul.

Sanadihii u danbeeyey imtixaanada shahaadiga ah ee Puntland ayaa isku mar ka dhacaayey dhamaan deegaanada iyada oo ardeydu gelayaan imtixaan isku mid ah, kadib markii la mideeyey manaahijta iskoolada Puntland.

HORSEED MEDIA