250.000 reer Lubnaan ah oo u qaxay dalka Suuriya

Published: October 7, 2024

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in tiradda dadka ka baro-kacay dalka Lubnaan ee u qaxay wadanka Suuriya ay gaareyso in ka badan 250.000 qof.

Israel oo maalmihii lasoo dhaafay duqeyn xoogan ka waday dalkaasi Lubnaan ayaa sii balaarisay dhulka ay duqeynta ku wado waqooyiga, bartamaha iyo koonfurta dalkaasi.

Madaxa hay’ada qaxootiga ee Qaramada Midoobay Filippo Grandi oo hada ku sugan xaduuda u dhaxeysa dalalka Lubnaan iyo Suuriya ayaa sheegay in qul qulka shacabka uu weli socdo.

Shacabka qaxaya waxaa kamid ah qaxootigii horey uga soo qaxay dagaalkii sokeeye ee Suuriya.

Tan iyo 23kii bishii hore ee September, waxay Israel duqeynta ay ka wado Lubnaan ku dishay ugu yaraan 1.251, qof, halka dhaawaca uu gaarayo 3.618, waxaana duqeynta ku baro-kacay 1.2 milyan oo qof.

Horseed Media