Ciidamada Xoogga Dalka Oo Hawgallo Ka Fuliyey Shabeellaha Hoose

Published: October 6, 2020

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka fuliyay tuulooyin Hoostaga Bariire ayaa ku dilay labo horjooge iyo Maleyshiyaad ka tirsan Nabadiidka.

Ciidammadan ayaa ka ruqaansaday deegaanka Bariire ee gobalka shabeelaha hoose, iyagoo xooraan ku helay in Tuulooyinka Balow iyo Nuunaay ay soo galeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo kasoo cararay degaanka Basro.

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan ururka 143 aad oo ka jawaabayay cabashada dadka deegaanka ayaa gaaray halkaasi, waxayna weerar aan waqti badan qaadan ku dileen labo horjooge oo tirsan Nabadiidka Al-shabab iyo ku dhawaad 10 dagaalame

Taliyaha ururka 143 ee Ciidanka Xoogga dalka Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in Howlgalka lagu dilay Abaandulihii Howgalinta Nabadiidka Al-Shabaab iyo Madaxii zakawaadka nabadiidka ee gobolka

Labada Horjooge ayuu Taliye Axmed waxa uu Magacyadooda ku kala sheegay horjooge Ciise tima weyne oo ku magac dheer Abuu dheere waxa uuna Al-Shabaab u qaabilsanaa Xilka Abaandullaha Howlgalinta Nabadiidka iyo horjooge qooreey oo Al-shabaab u qaabilsanaa zakawaadka gobolka

Sidoo kale ciidamada ayaa la kulmay qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan tuulooyinka laga Xureeyay Nabadiidka

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *