60 Tahriibayaal ah oo ku dhintay doon ku qalibantay xeebta jasiirada Cape Verde

Published: August 17, 2023

Dhowr qof ayaa meydkooda la helay 38 kalena waa laga soo badbaadiyay doon ku socotay jasiirada Cape Verde, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in hay’adda socdaalka caalamiga ah ee IOM ay ka digtay in tobanaan qof oo kale la la’yahay lagana cabsi qabo inay dhinteen.

In ka badan 60 qof ayaa la rumeysan yahay inay dhinteen markii doon tahriib ah oo ka baxday Senegal ay ku degtay xeebta Cape Verde, sida ay sheegtay IOM Arbacadii.

Lixdan iyo saddex qof ayaa loo malaynayaa inay dhinteen, halka 38 ka badbaaday ay ku jireen afar carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 12 ilaa 16 jir, afhayeenka IOM Safa Msehli ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Doonta kalluumeysiga ayaa ka tagtay Senegal bil ka hor, sida ay ku warrantay warbaahinta Cape Verde, oo ah jasiirad ku taal meel qiyaastii 620km (385 mayl) u jirta xeebaha Galbeedka Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda Senegal ayaa sheegtay goor dambe oo Talaadadii ah in 38 qof, oo uu ku jiro muwaadin u dhashay Guinea-Bissau, laga soo badbaadiyay doonta.

Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in tirada guud ee ka badbaaday iyo dhimashada ay tahay 48.

Markabka ayaa lagu arkay Isniintii meel 320km (200 mayl) u jirta jasiiradda Sal, iyadoo ay la socotay doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Spain, taasoo ku wargelisay maamulka Cape Verde, sida ay booliisku sheegeen.

“Waa inaan gacmaha furnaa oo aan soo dhaweynaa kuwa nool oo aan aasnaa kuwa dhintay si sharaf leh,” ayay tiri wasiirka caafimaadka Cape Verdean Filomena Goncalves, sida ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Inforpress.

Kooxda u doodda socdaalka Spain ee Walking Borders ayaa sheegtay in markabkan uu ahaa doon weyn oo kalluumeysi, taasoo lagu magacaabo Pirogue, taasoo ka shiraacatay Senegal 10-kii July iyadoo ay saarnaayeen in ka badan 100 qof muhaajiriin ah.

Horseed Media