Ra’isul Wasaare K/xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Camar Carte ayaa magaaladda muqdisho kaga dhawaaqay guddiga qaranka ee qabanqaabadda xaflada caleemo saarka iyo maamuuska ee Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo.
Guddiga oo ka kooban lix guddi-hoosaad ayaa waxaa loo xilsaaray inay qabanqaabiyaan, islamarkaana xiriiriyaan hay’adaha u qaybsanqaban-qaabada caaleemo-saarka xafladda Madaxweynaha, waxaa kaloo gudiga loo xilsaaray jaangooynta kharashaadka ku baxaya caleemo saarka iyo sidoo kale inay magacaabaan xubnaha guddi-hoosaadka xafladda,ayna kormeeraan howlaha socda.
Xubnaha Guddiga qaran ee loo xilsaaray xaflada ooka kooban 8 qof waxay dhammaantood ku jiraan gollaha wasiiradda ee xukuumadii Cumar cabdirashiid ee waqtigeedu dhammaaday, waxaana ka mid ah
- Cabdullaahi Axmed jaamac ” Ilkajir” -Guddiga Addegga iyo diyaarinta goobta.
- Cabdirisaaq Cumar Maxamed -guddiga sugida Amniga
- C/raxmaan xuseen Odowaa- Guddiga sugida amniga
- Axmed Cali Kediye Guddiga Habmaamuuska iyo xiriirka Caalamiga.
- Maxamed Aadan Ibraahim “Farkeeti” guddiga maaliyada.
- Muddane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte Xiriiriye.
- Siciid Xuseen Ciid Guddiga diyaarinta Barnaamijyada
- Maxamed Cabdi Xayiri ” Maareeye” Guddiga Warbaahinta iyo Iclaamka.
Gabagabadii, Guddigan ayaa sidoo kale looga fadhiyaa inay ku dhawaaqaan Waqtiga xaflada iyo goobta lagu qabanayo Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aan isagu weli la wareegin xilka madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inay dhacdo maalinta arbacada ee toddobaadkan.
Horseed Media 2017