DF Oo Sheegtay inay Ka Hortegaan Weerar Ay Soo Qorsheeyeen Alshabaab

Published: December 23, 2019

Taliyaha Guutada 11aad qeybta 43aad ee ciidanka dowladda Federalka Gaashaanle Sare Maxamed Badal Xasan oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada ay ka hortegeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah degmada Jamaame.

Howlgal qorsheysan oo ay ciidamada ka fuliyeen deegaannada Araare, Muuse Xaaji iyo kaban oo qiyaastii Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose u jirta 5 km ayuu sheegay in lagu dilay tiro ka mid ah Al-Shabaab, halka kuwa kalena lagu dhaawacay.

Gaashaanle Sare Maxamed Badal Xasan ayaa xusay in ujeedka howlgalka uu ahaa markii ay ka warhaleen dhaq dhaqaaq ay sameynayeen Al-Shabaab oo ahaa biyaha webiga oo ay ku soo fureen xaafado kala duwan, isagoo intaa ku daray inay ka hortegeen maleeshiyaadkii halkaasi ku dhuumaaleysanayay.

“Howlgalka qorsheysan ee ay ciidanka fuliyeen waxa uu noqday mid mira dhalay oo ay ciidanka ka fuliyeen meel qiyaastii 5 km u jirta Degmada Jamaame, Qorshaheena soo socda ayaa ah inaan fariisin ka dhigano Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe” ayuu yiri Taliyaha Guutada 11aad qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dallka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *