Ururka Al-shabaab ayaa Dil-wadareed ku fulisay, lix nin oo ay ku eedaysay in ay basaasiin u…
Ururka Al-shabaab ayaa Dil-wadareed ku fulisay, lix nin oo ay ku eedaysay in ay basaasiin u ahaayeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubaland.
Al-shabaab ayaa raggaas ku toogtay goob fagaare ah oo ku taalla degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose, ka dib markii maxkamadda Al-shabaab ay amar ku bixisay in dil-wadareed lagu fuliyo, maadaaama ay ku eedaysay basaasiin.
Warbaahinta Al-shabaab, ayaa saddex kamid ah shakhsiyaadka dil-wadareedka lagu fuliyay, waxay magacyadooda ku sheegtay Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, Maxamada Iidow Aadan iyo Cusmaan Cabdulle Afrax oo dhammaantood Al-shabaab ku eedaysay in ay la shaqeynayeen Sirdoonka dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, Maxamed Iidow Aadan iyo Hilowle Bashiir Aadan oo kamid ah ragga la toogtay, ayay Al-shabaab ku eedaysay in ay basaasiin u ahaayeen dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, halka Xassan Hafow Saney ay ku eedaysay in uu ka tirsana Sirdoonka Jubaland.